Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka soo wada horjeestay xiriirka Somaliland iyo Taiwan

0
136

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa si wadajir ah uga soo horjeestay xiriirka Soomaaliland iyo Taiwan oo labaduba ah maamullo gooni u goosed ah oo doonaya in ay ka go’aan dalalka ay ka kala tirsan yihiin ee Soomaaliya Iyo Shiinaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Juan oo shalay kulan ku yeeshay madaxtooyada Soomaaliy ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo dhowridda madax banaanida labada dowadood.

Danjire Qin Jian Ayaan sheegay in ay dowladda Shiinaha ay ka go’an tahay dhowridda Madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya halka madaxweyne Farmaajo uu isna dhankiisa sheegay in Soomaaliyana ay dhankeeda ixtiraameyso madaxbanaanida iyo midnimada Shiinaha.

Dowladda Shiinaha ayaa aad uga carootay tallaabadii ay Taiwan xiriirka kula sameysay Soomaaliland kadib markii Taiwan ay Wakiil usoo dirsatay Hargeysa.

Taiwan iyo Somaliland ayaa kala sixiixday heehiis iskaashi ah oo ku aadan dhanka Caafimaadka, Beeraha iyo Macdanta iyagoo dhanka kale isdhaafsaday wakiillo kala matali doona Hargeysa iyo Taipei.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here