Maxaa Loo Baajiyey Shir Maanta Muqdisho Uga Furmi Lahaa DFS iyo Maamul Goboleedyada Dalka?

0
96

Shir la filayay in uu maanta Muqdisho uga furmo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha maamullada dalka ayaa baaqday sida aannu ka soo xigannay warbaahinta BBC-da.

Shirkan oo uu kal hore ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu qorshuhu ahaa in loogaga hadlo arrimaha doorashooyinka, amniga iyo xaaladda guud ee waddanka.

Shirka ayaa lagu waday in si gaar ah diiradda loogu saaro waqtiga dastuuriga ah ee hay’adaha fadaraalka ah ee uu xilligeedu gebagabda ku dhaw yahay.

Ilo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in sababta uu u baaqday shirkan tahay in maamul goboleedyada qaar diideen iney yimaadaan Muqdisho oo ay shirka ka soo qeyb galaan balse ilaa haatan ma jiro war rasmi ah oo ka sooo baxay xukuumadda Soomaaliya.

Hoggaamiyeyasaha Buntilaan iyo Jubbalaan ayaa diiday ka qeyb galka shirka, kaddib go’aano ka soo baxay Baarlamaanadooda.

Madaxda Maamul goboleedyadaas ayaa la sheegayaa in ay qoonsadeen fulin la’aanta dhanka dowladda ee qodobadii shirkii dhanka aaladda WhatsApp-ka ee ahaa in la joojiyo xeerarka doorashada ee uu ka doodayo Baarlamaanka.

Maamul goboleedyada Buntilaan iyo Jubbalaan ayaa sidoo kale horay uga soo horjeestay xeerkii mataaladda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo uu ansixiyay Golaha Shacabka, kaasoo ay ku tilmaameen in aan loo marin waddo sharci ah.

Waxaa muddooyinkii dambe socday dadaallo la doonayay in lagu dhammeeyo khilaafka u dhexeeya labada dhinac walow aanay miro dhalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here