DEG DEG:-Xildhibaan Ka Tirsan Hirshabeelle Oo La Qafaashay

0
190

War hada soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaan in Al-shabaab ay dileen Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo saakay laga gafaashay inta u dhexeeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu la socday gaari Hoomey ah oo  ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana xili uu marayay inta u dhexeeysa Jowhar iyo Muqdisho gaariga ay kala degeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Xildhibaan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Siyaad lagu dilay deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabellaha dhexe, kadib markii halkaas saakay la geeyay.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan Xildhibaanka ka tirsanaa Maamulkooda ee saaka Al-shabaab ay ku dileen deegaanka deegaanka Yaaqle.

Wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro toos ah iyo Qaraxyo lagu dilay Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, Saraakiil Ciidan iyo kuwa AMISOM ah, waxaana Mas’uuliyada weeraradaas sheegtay Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here