Ruushka oo meelmarinaya isbadal lagu sameeyey Dastuurkii dalkaas

0
158

Gudiga Dhexe ee Arrimaha Dastuurka Ruushka ayaa meel mariyay codeyntii wax ka badalka dastuurka dalka Ruushka kaas oo ay u codeeyeen kala bar dadka Ruushka ah Khamiistii la soo dhaafay.

Shir jaraa’id oo ay shalay Jimce aheyd qabatay guddoomiyaha guddiga dastuurka Ella Pamfilova ayay ku sheegtay in ay ansax loo tixgelinayo codeyntii wax ka badalka dastuurka Ruushka.

Pamfilova ayaa sheegtay in 109 Milyan oo kamid ah dadweynaha Ruushka ay cododkooda dhiibteen iyada oo intaas ku dartay in 77.9% ay u codeeyeen isbedellada lagu sameeyay dastuurka.

Qodobka ugu muhiimsan ee wax ka bedelka lagu sameeyay dastuurka fedareeshinka Ruushka ayaa u ogolaanaya madaxweynaha dalka Ruushka Fladamir Putin in uu xilka madaxweynenimo sii hayo tan iyo inta laga gaarayo 2036.

Dastuurka Ruushka ayaa markii hore madaxweynaha u ogolaanayay inuu isisoo sharixi karo kaliya laba jeer oo isku xigta, balse wax ka bedelka hadda la sameeyay ayaa Putin siin doona fursad kale oo isku soo sharixi karo labo wakhti oo dheeri ah.

Isbedellada lagu sameeyay dastuurka waxaa kamid in la sii adkeeyay shuruudaha laga doonaya qofka raba inuu qabto xafiis dowlo, shuruudahaa waxaa kamid ah in uusan wadan Jinsiyad ama Deganaansho dal kale sidoo kale waxaa shardi ah inuusan Akoon ku laheyn Bangi ku yaalla Ruushka dibaddiisa dhanka musharaxiinta u tartamaya madaxtinimada dalkaasi waxaa lagu xiray in ugu yaraan 25-kii sano ee ugu danbeeyay ay ku noolaayeen dalka Ruushka.

Dhanka mucaaradka Ruushka ayaa ka soo horjeestay wax ka bedelka lagu sameeyay dastuurka waxa ay na dowladda ku eedeeyeen in xukunka Putin loo cimri dheereynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here