SODEN oo si Kulal u Cambaareysay Dilkii Guddoomiyihii Ururka Naafada Koofur Galbeed

0
130

Shabakadda Awood-siinta dadka naafada ah ee “SODEN” ayaa si kulul u cambaareysay dilkii habeen ka hor magaalada Baydhabo loogu geystay Guddoomiyihii ururka Naafada Koofur Galbeed Shariif Mukhtaar Jiis.

War qoraal ah oo ka soo baxay shabakadda u dhaqdhaqaaqda dadka naafada ah ayaa lagu sheegay in ay aad uga murugeysanyihiin dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Guddoomiye Shariif oo ahaa nin naafo ah.

“Fal walba oo argagixiso oo ka dhan ah dadka naafada ah waa mid xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha” ayaa lagu yiri qoraalka oo intaa ku daray “Annaga oo ku hadlaynaa afka dadka naafada ah ee Soomaaliyeed waxaan si kulul u cambaareynaynaa dilka lagula kacay masuulkaas naafada ah oo aan haba yaraatee abid ka shaqeyn xafiisyada dowladda, kaliyana u taagnaa difaaca xuquuqda dadka naafada ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beegsiga dadka naafada ah ayay hay’addu sheegtay in aanu dib u dhigeynin halganka ay ugu jiraan ilaalinta xuquuqda ay ku dhex leeyihiin bulshada.

Habeen ka hor yay ahayd markii kooxo ku hubaysan bastoolado ay hoygiisa ku dhex dileen Shariif Mukhtaar oo ka mid ahaa masuuliyiinta uga sarreeya naafada Maamulka Koofur Galbeed.

Kooxda al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda dilka Shariif ayaa ku eedeysay in uu ahaa sargaal ka tirsan ciidamada booliska gaar ahaan waaxda dambi-baarista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here