Sanduuqa Horumarinta Afrika ee ADF Oo ansixiyay lacago looga jawaabayo COVID-19

0
119

Websaytka Khaaska u ah Sanduuqa Horumarinta Afrika ee ADF ayaa lagu daabacay in Guddiga Agaasimayaasha ee Sanduuqa Horumarinta Afrika ay u ansixiyeen dalal ay ku jirto Soomaaliya lacag loogu talo galay ka jawaabida Coronavirus oo dalal badan laga helay.

Lacagtaas dhan 9.52 million oo Dollar ayaa qeyb ka aheyd 10 million oo Dollar ee Ka-hortaga Degdegga ee COVID 19,taas oo Guddiga Agaasimayaasha ee Sanduuqa Horumarinta Afrika ayu ansixiyeen 12 dal.

Sida ay guddiga shaaciyeen lacagtaas ayaa waxaa loo qoondeeyay in la siiyo dalalka kala ah, Somalia, Jabuuti,Kenya, Sudan, Ruwanda, Ethiopia, Jesiiradaha Komooros, Tanzania, Burundi, Uganda iyo  South Sudan,waxaana qorsuhu yahay in lagu tababaro Shaqaalaha Caafimaadka iyo in lagu iibiyo waxyaabo ay kamid yihiin Qalabka lagu baaro COVID 19.

Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF) oo Xaruntiisa Dhexe ay  ku taallo Caasimadda dalka Tunisia ee Tunis, ayaa War kasoo baxay waxaa lagu sheegay in Maalgelintaasi loo adeegsanayo Xoojinta Nidaamka Caafimaadka, La-socodka  Warbixinada Cuddurada, Xoojinta Ka-hortaga iyo Kontoroolka Caabuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here