Wararka Ka imanayaa Dalka Pakistaan Ayaa Shegayaa in uga yaraan 7 qof ayaa ku geeriyootay dhismo lagu sarifo lacagta oo ku yaalla bartamaha Karaaji kaddib markii ay rag hubeysani ay weerar ku soo qaadeen , sida ay ku warramayaan mas’uuliyiinta Karaaji.
Dadka halkaas ku geeriyooday waxaa kamid aha qof booliis ah, labo waardiye iyo afar kamid ah ragii weerarka soo qaaday sidaas waxaa Al-jazeera u sheegay madaxa gurmadka Karaaji Feysal Edhi.
Weerarka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen 7 kale oo ay ku jiraan labo boolis ah.
Dableyda ayaa dhismaha ku soo weerartay bombaanooyin iyo qoryo, dhismaha ayaa ku yaalla aag si aad ah loo ilaaliyo maadaama ay xarun u tahay Bankiyo badan.
“Laba kamid ah dableyda waxaa lagu toogtay albaabka hore, halka labada kale oo doonayey in ay gudaha u soo galaan dhismaha dhaawac daran oo soo gaaray ay u dhinteen” Feysal ayaa war-fidiyeenada u sheegay.
Inka badan kun qof ayaa ku jiray dhimsaha xilliga ay kooxdu weerarka soo qaadday sidaay ku warrameyso warbaahinta maxalliga ah ee Paakistaa