QM oo Bogaadisay Horumarka Soomaaliya ay ka Gaartay la Tacaalidda COVID-19

0
48

Ergayga gaarka ee Qramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, James Swan oo booqasho maanta ku tagay Shaybaarka Qaranka ee dalka ayaa bogaadiyay horumarka Soomaaliya ay ka gaartay baaritaanka cudurka COVID-19 iyo muhimadda uu sheybaarka dhexe iyo shaybaarada kale ku yaal dhammaan dalka ay u leeyihiin wax-ka-qabashada COVID-19.

“Sheybaarkani waxa uu dalka ka caawisay tijaabada iyo la-socodka wareegga feyruuska ee dalka oo dhan, iyo ogaanshaha goobaha uu feyruusku aad ugu faafay si loo xakameeyo waqti hore, ”ayuu yiri mudane Swan.

Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamka ayuu sheegay in ay ka go’antahay in ay taageeraan sheybaarka qaranka gacanna ka geystaan horumarka lagu kobcinayo awoodda Soomaaliya ee la-dagaallanka aafada COVID-19.
Markii uu COVID-19 kasoo if-baxay Soomaaliya, waxaa si dhaqso leh loo horumariyay Sheybaarka Qaran oo la gaarsiiyay heerka bed-qabka noolaha ee ku habboon, iyadoo WHO ay ku tabarucday qalabka jawaabta degdega ah bixiya ee lagu baaro dhacaanada hidde-sidaha ee loo yaqaan (Polymerase Chain Reaction).

Howlwadeennada sheybaarka ayaa shaqada bilaabay kaddib tababar ay siiyeen khubaro caalami ah.

Sheybaarka Qaran wuxuu billaabay baaritaanka COVID-19 bishii Abriil, wuxuuna hadda baaritaan ku samayn karaa ilaa 180 dhacaan/muunadood maalintii. Awoodda baaritaan/tijaabo ee hadda jirta waa la kordhin karaa oo waxaa la gaarsiin karaaa ilaa 360 muunadood maalintii hadii loo baahdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here