Muxuu Duqa Muqdisho Ka Dhahay Ansixinta Matalaadda Gobolka Banaadir.

0
42

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa ka hadlay ansixinta xeerka Matalaada Gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal soo saaray Cumar Finish ayuu ugu Mahadceliyay Baarlamaanka JFS oo maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay xeerkii Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, isagoo sheegay inay kaalin lama ilaabaan ah oo taariikhda gashay.

Cumar Finish ayaa hambalyo u diray Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir oo uu tilmaamay inay guul weyn us oo hoyatay, kadib markii 13 kursi Maanta laga siiyay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

“Waxaan u mahadcelinayaa Baarlamaanka JFS oo maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay xeerkii Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, Waxaad muujiseen kaalin lama ilaabaan ah oo taariikhda gashay oo aad ugu hiiliseen shacabka Gobolka Banaadir. Waxaan hambalyo la wadaagayaa Shacabka Gobolka Banaadir guushaas u soo hoyatay, taasoo ku timid Adkeysi, Sabar badan, abaalkii ay Qaranka u galeen ee canshuurtooda ku bixiyeen Dowladnimada miraheedi maanta ayay heleen” ayuu yiri Duqa Muqdisho Cumar Finish.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha ayaa waxaa uu u mahadceliyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu xusay inuu geed dheer iyo geed gaaban u koray sidii Gobolka Banaadir matalaad ugu heli lahaa Aqalka Sare.

“Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo geed dheer iyo geed gaaban u koray sidii Gobolka Banaadir matalaad ugu heli lahaa Aqalka Sare, annagoo horay u taageernay baaqiisii uu Baarlamaanka ka hor-jeediyay 6-dii bishan June 2020, waxay aheyd tallaabo geesinnimo leh” ayuu sii racsiiyay hadalkiis Cumar Finish.

142 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa oggolaatay in uu Gobolka Banaadir 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare, Afar ayaa diidday, mana jirin cid ka aamustay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here