Golaha Shacabka oo Meel Mariyay Saamiga Gobolka Banaadir uu ku Yeelanayo Golaha

0
33

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Soomaaaliya ayaa maanta ansixiyay xeerka Matalaadda Gobolka Banaadir.

Golaha ayaa meel mariyay in Gobolka Banaadir uu 13 kursi ku yeesho golaha shacabka.

Kulanka oo ay soo xaadireen 148 mudane, waxaana u codeeyey 142-Xildhibaan, halka 4-mudane ay diideen, mana jirin cid ka aamustay.

Mudanayaasha Golaha oo fadhogooda sii wata ayaa haatan dhagaysanay hadal-jeedinta guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo golaha warbixin ka siinaysa halka ay marayaan diyaarinta doorashooyinka dalka, nooca doorasho ee wax lagu dooran doono iyo muddada uu Guddigu u arko in ay ku qabsoomi karto doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here