Ciidamada dowlada oo howlgal ay sameeyeen hub uga furtay al-Shabaab.

0
46

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howl-gallo ka dhan ah maleeshiyada al-Shabaab ka fuliyay gobolka shabeellaha hoose iyagoo howl-galka ku soo furtay hub ay ka carareen al-Shabaab, sid ay qortay Wakaaladda Wararka Qaranka ee SONNA.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Gorgor oo howlgallo ka sameeyay deegaanno ay kamid yihiin Buulo-bishaaro, Yuumbis Nuur iyo Mubaarka oo kawada tirsan Shabeellha hoose waxa ay cagta marsiiyeen fariisimo ay al-Shabaab ku lahaayeen deegaannadaas.

Howgallada ayaa la sheegay in ay ciidamadu kula wareegeen hub ay ka carareen al-Shabaab walow warbaahinta dowladda Soomaaliya aysan xusin tirada hubka lagu soo furtay howlgalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here