Madaxweyne Qoor Qoor Oo Guddoomiyay Kulankii Golaha Wasiirada Galmudug

0
95

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor  ayaa maanta oo Khamiis ah shir guddoomiyey kullanka golaha wasiirada dowlada gobaleedka Galmudug oo ka dhacay magaalada Cadaado.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa warbixino looga dhegeystay wasiirada kala ah
Kulankaan ayaa warbxin looga dhageystay wasaaradaha kala ah,Amniga Gudaha.
Arrimaha Gudaha iyo Dowlaha Hoose,Dekadaha iyo Kaluumeysiga iyo Boostada iyo Isgaarsiinta.

Inta badan golaha wasiirada maamulka Galmudug ayaa goobjoog ahaa kulanka maanta ka dhacay magaalada Cadaado iyada oo wasiirada warbixinada laga dhageystay ay sheegeen in meel wanaagsan ay wax u marayaan gaar ahaana wasiirada amniga iyo arrimaha gudaha oo tilmaamay in ay shaqooyin adag qabteen.

Kulanka maanta golaha Wasiirada maamulka Galmudug ay ku yeesheen magaada Cadaado ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ay ku yeeshaan halkaas tan iyo markii madaxweynaha loo doortay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor woor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here