Madaxweyne Farmaajo oo shir ku casuumay Maamul-goboleedyada dalka

0
34

 Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay Hoggaamiyeyaasha Maamul-gboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir shir looga hadlayo Amniga Qaranka oo Muqdisho ka dhacaya.

Shirkan oo qabsoomaya inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Shirkan uu Madaxweyne Frmaajo isugu yeeray Maamul-goboleedyada ka jira dalka ayaa ku soo aaday xilli dalka uu u diyaar garoobayo doorasho, maadaama Xukuumadda hadda jirta uu waqtigeedu marayo heer gabogabo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here