Hay,ada Caafimaadka Aduunka oo sheegtay in kiisaska “Covid-19” ay dhowaan gaari doonaan 10 milyan

0
72

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka Tedros Adhanom ayaa Arbacadii carrabka ku dhuftay in kiisaska guud COVID-19 ee caalamka oo dhan hadda marayaan tiro ahaan 9.3milyan oo kiisa, toddobaadka soo socdana ay gaari karto 10 milyan oo kiis.

Tedros ayaa sidoo kale taageeray go’aanka boqortooyada Sacuudiga ee sannadkan ku baajisay Xujeeydii ka imaan laheyd caalamka si ay u yareeyaan faafitaanka cudurka.

Wuxuu sheegay in Hay’adda Caafimaadka Adduunka ay hadda waddo dadaallo ay weli ku taageereyso dalal badan sidii ay uga caawin laheyd gaarsiinta qalabka neefsashada ka caawiya bukaannada, “Baahida ugu weyn waa helitaanka Saadkaa” ayuu yiri Agaasimaha.

Dr Mike Ryan Madaxa xaaladaha deg degga ah ee WHO ayaa sheegay in musiibada COVID-19 ee ku habsatay waddamo ku yaalla Qaaradda Ameerika ay weli tahay mid xooggan, waxaana ugu daran buu yiri koonfurta iyo bartamaha Ameerika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here