DFS oomaamulka KG ku ammaanay Sida Ay Ugu Diyaar Garoobeen Maalmaha Xorriyadda.

0
102

Wasiirka waraafinta Soomaaliya ahna Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada todobaadka xorriyadda, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in munaasabadihii lagu weyneynayay sanad-guurada 60-aad ee xorriyadda oo caawa bilaabaneysa ay dowladdu u bedeshay in mashaariic hormarineed oo laga fulinayo guud ahaan dalka, maadaama wali lagu jiro xaaladdii la dagaalanka cudurka safmarka ee COVID19.

Wasiirka ayaa sheegey in micnahu uusan aheyn inaan la dabbaaldegeynin, hase ahaatee laga rabo qof kasto oo muwaadin ah inuu muujiyo farxadda iyo weyneynta todobaadkaan maadaama ay tahay midnimada ummaadda Soomaaliya.

“Qof kasto waxaa laga rabaa inuu calanka ku xirto albaabka hoygiisa si loo weyneeyo qiimaha ay leeyihiin maalmahaan waxaana laga rabaa sidoo kale inay ka shaqeeyaan midnimada ummaadda Soomaaliyeed ee loo soo huray naf iyo maalba,dowladduna waxa ay fureysaa mashaariicyo farabadan”Ayuu yiri wasiir Maareeye.

Maareeye sidoo waxa uu dowladda goboleedyada ku boorriyay inay muujiyaan muhiimadda maalmahan ay leeyihiin isaga oo maamulka Koofur Galbeed ku ammaanay sida xilkasnimada leh ee ay ugu diyaar garoobeen maalmaha xorriyadda.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ka go,antahay sidii dalkaan loo gaarsiin lahaa hormar balaaran iyo in bulshada loo qabto adeegyada ay u baahanyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here