Garsoore Madaxweynaha Dalkiisa Amar Ku Siiyay in uu Xirto Marada Sanka Lagu Daboosho

0
102

Garsoore u dhashay dalka Baraasiil ayaa madaxweynaha dalkaas, Amar Ku Siiyay in uu Xirto Marada Sanka lagu Daboosho marka uu ku sugan yahay goobaha isu imaatinka ee ku yaalla dalkaas.

Bolsonaro ayaa horay u dafiray halista xanuunka COVID19 oo uu ku tilmaamay in uu yahay hargab sahlan oo aan mudneyn in sidaa loo buunbuuniyo.

Dalka Baraasiil ayaa noqday waddanka labaad ee dadka ugu badan ay ugu dhinteen feyraska Korona marka laga sootago Mareykanka.

Kiisaska cudurka gudaha Baraasiil ayaa gaaray in ka badan 1.1 Milyan oo qof, halka tirada dhimashadana ay gaartay in ka badan 51,000, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins.

Amarka garsooraha ee madaxweynaha ayaa yimi kaddib markii Madaxweyne Bolsonaro kasoo muuqday fagaare, maalintii Aaxadda, isagoo gacanta ku salaamaya boqollaal ka mid ah taageerayaashiisa, sawirrana la galaya.

Bolsonaro, ayaa sidoo kale kasoo muuqday isu soo bax isaga oo aysan afka iyo sanka u daboolneyn xilli uu khudbenayay isagoo qufacaya.

Maamulka caasimadda Brazil ayaa 30-kii bishii Abriil ku dhawaaqay in dadku ay xirtaan maaskarada.

11-kii bishii May ayaa la adkeeyay xeerka, waxaana la shaaciyay in ciddii jebisa xeerka maaskarada lagu ganaaxi doono 387 doolar maalin kasta.

Go’aanka kasoo baxay garsooraha waxaa uu saameynayaa saraakiisha dowladda ee aan u hoggaansamin xeerka sida madaxweyne Bolsonaro.

Isniintii ayuu Madaxweynuhu ku baaqay in la dabciyo xayiraadda ka hortagga fiditaanka cudurka isla markaana dib loo furo ganacsiga dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here