Qaramada Midoobay oo baareysa dambiyo dagaal oo ka dhacay Liibiya

0
94

Howl-gal xaqiiqo raadin ah ayaa waxaa Isniintii shalay amaray Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay kaddib markii dacwad-oogayaasha Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ay sheegeen in qubuuro wadareedyo dhowaan laga helay Liibiya ay noqon karaan dambiyo dagaal.

Golaha Xuquuqda Aadanaha QM ayaa isniintiii soo saaray qaraar ay si adag ugu cambaareeynayaan gabood-fallada ka socda Liibiya.

Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee QM Michelle Bachelet ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in loo diro ergo xaqiiqo raadin ah dalka ay dagaalladu saameeyeen ee Liibiya.

Liibiya oo ah dal saliidda soo saara ayaa galay Jaha-wareer 2011, tan iyo markii meesha laga saaray Hoggaamiyihii muddada dheer ka talinayey ee Mucammar al-Qadaafi.

Dowladda ay QM aqoonsantahay ee Liibiya ayaa dagaal iska caabbin ah kula jirta Janaral khaliifa Haftar oo taageero ka helaya qaarka mid ah dalalka carabta iyo Ruush-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here