QM oo Sharciga la Tiigsanaysa Jaamacad Isticmaasha Magaceeda oo Muqdisho ku Taalla.

0
77

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Qaramada Midoobay xafiiskeeda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aanu jirin xariir ka dhexeeya Qaramada Midoobay iyo jaamacad Soomaaliya ku taalla oo lagu magacaabo “United Nations Academy of Somalia (UNAS).”

hay’adda ayaa sheegtay in aanu jirin oggolaansho rasmi oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo u oggolaanay xarunta in ay adeegsato magaca hay’adda.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qolyaha adeegsanaya magaca hay’adda ay la hortagi doonto sharciga.
Warsaxaafadeedka hay’adda ay ku beenineyso in uu xariirka ka dhexeeyo hay’adda iyo jaamadda magaceeda adeegsata ee ka furan Soomaaliya ayaa u qornaa sidatan

“Iyadoo laga jawaabayo weydiimo, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dooneysaa inay caddeyso inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Ururka Qaramada Midoobay iyo waxa loogu yeero ‘United Nations Academy of Somalia (UNAS).’

Adeegsiga sharciga ah ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay kaliya waxaa lagu heli karaa kaddib marka la maro hannaan adag oo codsi ah oo u baahan oggolaansho qoraal ah oo ka yimaada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

‘UNAS’ ma codsan mana helin rukhsad ay ku isticmaasho magaca QM ama astaanta. Oggolaansho weligiis ma siinin Xoghayaha Guud arrin laga leeyahay u jeeddooyin ganacsi oo gaar ah, sida nooca ay ku howlgashay UNAS.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xiriir la sameysay ‘UNAS,’ mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo shabakadaha caalamiga ah oo ay quseyso ee dhanka Internet-ka iyo hay’adaha warbaahinta bulshada oo ay ku wargalisay arrintaa ku saabsan adeegsiga aan sharciga aheyn ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay, waxa ayna la beegsaneysaa dacwad sharci ah, oo ah in UNAS ay joojiso adeegsigaas”ayaa lagu yiri qoraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here