Howlgal miino-baaris ah laga fuliyay degaanno hoostaga Jannaale.

0
65

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo amniga lagu xaqiijinayey ka fuliyay deegaanno hoosyimaada degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Howl-galka waxaa qeyb ka ahaa mid miino-baaris ah oo lagu sameeynayey tuulooyin hoosyimaada Jannaaale.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya Janaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Howlgal ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen Janaale lagu soo saaray miinooyin dhowr ah oo ay al-Shabaab ku Aaseen waddooyinka soo gala degaankaas.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in howlgalkaas uu yahay mid weli sii socda ayna wadi doonaan ilaa iyo inta ay ka xaqiijinayaan amniga guud ee degaannada ku dhow dhow Jannaale oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda.

Deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca qaraxyo iyo weeraro toos ah oo al-Shabaab kula beegsadaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here