Shir looga hadlayo Hindise sharciyeedka korontada oo Muqdisho ka furmay.

0
69

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya yaa maanta magaalada muqdisho ka furay shirka wadatashiga hindise sharciyeedka korontada.

Marwo Fowsiya Maxamed Sheekh Wasiirka Wasaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda ayaa daah-furtay shirkan looga aarrinsanayo hindise Sharciyeedka Korontada dalka.

Shirkan oo aya ka qeybgalayaan Maamul-goboleedyada dalka iyo Shirkadaha korontada ee gaarka loo leeyahay ayaa soconaya muddo laba maalin ah sida ay sheegtay Wasaaraddu.

Wasiirka wasaaradda tamarta Iyo khayraadka Biyaha Fowsiyo Maxamed sheekh oo shirka furtay ayaa ka hadashay muhiimada uu dalka u leeyahay hindise sharciyeedkan iyo sidoo kale baahiyaha gaarka ee loo qabo hir-gelinta sharcigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here