Wasaarada Waxbarashada KG Oo Shaacisay Tirada Guud ee Ardeyda Shahaadiga ah ee Imtaxaanka u Fadhiisan Doono

0
75

18 March Sanadkaan ayaa Dowlada Soomaaliya Markii Ugu Horeysay Shaacisey in Laxiro dhamaan Goobaha Waxbarashada uu Markaasi Dalka Somaaliya Soo gaaray Cudurka Corona Virus waxaa is taagay dhamaan Duruustii Ardeyda qaadaneysay Mudo Ka badan Sedex Bilood kadib waxaa Lagu wadaa KG Inay qaado imtaxaanadkii Fasalka 8aad iyo Fasalka 4aad ee dugsiga sare Halka Fasalada kale Ardeydooda Loo qiimeyndoono sida ay sheegtey wasaarada.

Tirada Guud ee dugsiga dhexe ee Fasalka 8aad imtixaanka Fadhiisan doonta konfur galbeed ayaa lagu sheegey iney gaareyso 6220 Ardey halka ay ardeyda dugsiga sare waxaa imtixaanka u fariisan doona tiro dhan 3487 Ardey Sida uu Sheegayo Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada KG Fadal Abdullahi Mursal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here