Mareykanka oo Sheegay in Dawada Hydroxychloroquine aanay Dabiib u ahayn Xanuunka COVID19

0
108

Hay’adda Cunnooyinka iyo Dawada dalka Mareykanka ayaa diidday in dawada Hydroxychloroquine ee lagu daweeyo dadka qaba Duumada loo adeegsado dadka xaaladdoodu halista tahay ee qaba xanuunka COVID19.

Hay’adda ayaa sheegtay in tijaabooyin ay samaysay ay ku ogaatay in dawadani aanay wax caafimaad ah ku soo kordhinaynin bukaanka qaba xanuunka COVID19.

Xilli sii horreeyay madaweynaha Mareykanka ayaa si weyn u difaacay in dawada Hydroxychloroquine loo adeegsado in lagu dabiibo dadka uu hayo xanuunka Korona.

Hay’adda ayaa naf ahaanteeda kal hore oggolaatay in xaalada halista ah ee COVID19 lagula tacaalo dawada maleeriyada ee Hydroxychloroquine.

Hay’adda ayaa tilmaantay in daraasad ay samaysay ay ku ogaatay in dawadan aysan waxba ka baddalaynin dadka uu hayo xanuunka Korona sidoo kalena aanay ahayn dawo ay loo qaadan karo ka hortag ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here