Somali Dhac Iyo Dil Loogu Geystey Konfur Afrika.

0
77

Allaha u naxariistee waxaa xalay duleedka Magaalada Capte-town ee dalka Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada goobaha Ganacsi ku lahaa dalkaas.

Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa dishay Muwaadinka xili uu ku sugnaa goob Ganacsi oo uu ku lahaa duleedka Capte-town, waxaana lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Macalin Cali.

Sdoo kale ragii dilay Marxuum Cabdiraxmaan ayaa dhaawac Culus u geystay Muwaadin kale oo Soomaaliyeed, kaasi oo ku sugnaa goobta uu falku ka dhacay, sida ay Dalsan u sheegeen Ganacsato Soomaali ah.

Intaas kadib ragii hubeysanaa ayaa dhac xoogan u geystay goobtii ganacsi oo Marxuum Cabdiraxmaan, iyagoo goobta ka baxsaday, isla markaana waxaa durbo halkaas tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika, hayeeshee kama aysan hadli dhibaatada dhacday.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku soo badanayo dilka loo geystay Muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana labo isbuuc guduhood Cape town ee Gobolka Western Cape lagu dilay 3 qof halka Magaladda Rustenburg lagu dilay Muwadin kale Sidoo kale, isla markaana waxaa Magaalada Pretoria iyana Booliska dalkaas jirdil ay u geysteen Cabdi Nuur uu geeriyooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here