Booliska London oo Dad Dibadbaxayaal ah xabsiga Ku Guray

0
135

Booliska magaalada London ayaa in ka badan boqol qof oo dibadbaxayaal ah xabsiga u taxaabay kaddib markii ay ciidamadu iyo dibadbaxayaashu is farasaareen.

Dadweynaha oo looga digay in ay dibadbax sameeyaan cabsi laga qabo xanuunka COVID19 awgii ayaa amarkaasi dhagaha ka fureystay iyaga oo arrintaa ku tilmaamay in dowladdu ay ku ilaalinayso badqabka taallooyinka qaar oo ka tarjumaya cunsuriyadda oo ay ku qammaameen dibadbaxayaashu.

Booliska ayaa sheegay in dadka ay xireen loo haysto in ay ku kaceen falal ka dhan ah ciidamada booliska, rabshado iyo khalkhal gelinta ammaanka.

Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo ururay taalada dagaalka ee Cenotaph oo ku taal Whitehall, waxayna sidoo kale guudka uga baxeen taalada Winston Churchill ee ku taal barxadda Baarlamanka.

Kooxo kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa garabka midig, ayaa sheegay in ay iyaguna iskugu iman doonaan London si ay u ilaaliyaan taalooyinka taariikhda Ingiriiska.

Taallada Churchill ayaa teed lagu wareejiyey si looga ilaaliyo dhaawac soo gaadhi kara, maadaama oo ay hore dad mudaharaadayey ugu tilmaameen inuu ahaa qof cunsuri ah.

Koox mudaharaadayaal ah ayaa teedkii la hor dhigay xafiiska ra’isal wasaaraha ee Downing Street iyo qaar kaleba qaaday oo booliskana shiiday/tuuryeeyay.

Wasiirka arimaha gudaha Priti Patel ayaa dibadbaxyada ku tilmaantay in ay yihiin kuwo fadqalallo wata oo aan la aqbali karin

Dadweyanaha isugu soo baxay London ayaa ayaa yoolka saarayay oo soo hor-tubtay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dawning Street iyo Aqalka Baarlamanka, iyagoo ku qaylinayey halku dhegga caanka noqday “nafta dadka madow qiimo ayay leedahay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here