Aqalka Cad oo muddo kooban la xiray.

0
119

Dibadbaxayaal careysan iyo booliska ayaa isku dhacay magaalooyin badan oo ku yaalla Mareykanka iyadoo ay sii koradhay carada ka dhalatay dilka nin madow ah oo aan hubeysneyn oo uu askeri ka tirsan booliska ku dilay magaalada Minneapolis.

Guddoomiyaha gobolka Minnesota ayaa masiibada dilka George Floyd ku tilmaamay inay isu bedashay “kharbudaad si ula kac ah loo sameynaya”

New York, Atlanta iyo deeganno kale ayay xasillooni darrada ku baahday iyadoo Aqalka Cad si ku meel gaar ah loo xiray markii dibadbaxayaal carreysan ay soo hor dhoobteen.

Ilaalada madaxweynaha ayaa xiray albaabada laga gala iyo kuwa laga baxa ee Aqalka Cad.

Masuuliyiinta ayaa shaaca ka qaaday inay xilka ka qaadeen askeriga dilay ninka islamarkaana la xiray, dambi dil ahna si rasmi ah loogu soo oogay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here