Maamulada Puntland Iyo Galmudug Oo Kulan Ka Yeeshay Amniga G/Mudug

0
190

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa Maanta kulan ku yeeshay wafdi ka socday Maamulada Puntland iyo Galmudug, iyadoo kulanka looga hadlay arrimo kala duwan.

Kulanka ayaa inta uu socday arrimaha ay diirada ku saareen labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland waxaa kamid ahaa dhanka amniga Magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada kale ee ka tirsan Gobolka.

Sidoo kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen dagaalanka wax loogu yeero Argagixisada iyo sidii sare loogu qaadi lahaa sugida amniga amniga Gobolka Mudug.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Dhabancad oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in kulanka uu ahaa mid muhiim ah oo looga hadlay intiisa amniga Gobolka iyo sidii loogu sii wada lahaa dadaadla nabadeynta ee shacabka ku dhaqan halkaas.

Waxaa uu sheegay Wasiir Dhabancad in Puntland iyo Galmudug ay iska kaashan doonaan Arrimaha hay’adaha dowliga ah, wuxuuna Wasiirka rajo wanaagsan ka muujiyay in Arrimaha laga wada hadlay ay horey sii socon doonaan.

Si kastaba Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa qarax ka dhacay lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur, waxaana Mas’uuliyada weerarkaas sheegtay Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here