Jubbaland Oo Si Kulul Uga Hadashay Hadal Kasoo Yeeray Francisco Madeira

0
126

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa War kasoo saartay khudbad uu dhawaan Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ahna Madaxa AMSIOM Francisco Madeira u jeediyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Qoraalka kasoo baxay Jubbaland oo ku qornaa luuqada Ingiriiska ayaa waxaa lagu sheegay in Francisco Madeira uu lumiyay kalsoonidii iyo dhex-dhexaadnimadii looga baahnaa.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Francisco uusan dhex-dhexaad ka noqon karin Arrimaha Soomaaliya, isla markaana faragelin uu ku sameeyay siyaasadda dalka, taasi oo ay xuseen inay meel ka dhac ku tahay shaqadiisa.

Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa si kulul u Cambaareeyay Khudbadii Francisco Madeira ee uu ka jeediyay Shir ay yeesheen Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Waxaa uu sheegay Maxamuud Sayid Aadan Francisco uu u gafay mid kamid ah Beelaha Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in looga baahan yahay inuu raali gelin ka bixiyo hadalkii kasoo yeeray Wakiilka.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayuu ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka inay Jawaab ka bixiyaan hadalkii Gafka ahaa ee uu heshiiskii dhexmaray Jubbaland iyo Golihii Isbedelka doonka ka sheegay Francisco Madeira.

Dhinaca kale Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo isna la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in khudbadii Wakiilka ka jeediyey shirkii Golaha Ammaanka ay gef ku ahayd beel Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in dowladda Federaalka ay dalka ka saarto Francisco Madeira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here