Axmed Madoobe iyo Xidig oo la kulmay Odayaasha Goobweyn

0
162

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Masuuliyiin kala duwan oo uu kamid yahay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo qaar kamid ah Masuuliyiinta labada gole ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta qado sharaf loogu sameeyay deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubbada Hoose.

Munaasabadan ayuu Madaxweynahu ugu tala galay Masuuliyiinta kala duwan iyadoo lagu maamuusayo Munaasabada Ciidul fidriga.

Sidoo kale inta uu Madaxweynahu halkaas ku sugnaa waxaa uu la kulmay qaar kamid ah Bulshada ku nool deegaankan isagoo u kuur galayay sida ay u socdaan howlaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ay ka wado halkan gaar ahaan dhinacyada Nabadgalyada iyo Hormarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here