Aqriso: Qarax Qasaaro Geystey Oo Ka Dhacey Magaalada Baydhabo.

0
166

inta laxaqiijiyey afar qof ayaa ku geeriyootey 31 qof kale waxaa ka soo gaarey dhaawacyo kala duwan kadib markii qarax ka dhacey inta u dhaxeysa laba kaam oo kala ah xanaano 2 iyo
kormari kuwaasi oo ay ku yalaan duleedka Magaalada Baydhabo, dadkaani ayaa waxey ahayeen kuwo u dabaaldagayeen munaasabada ciida halkaasi oo ay kusoo bandhigayeen ciyaar dhaqameedka laga ciyaaro degaanada koonfur galbeed soomaaliya.


 Dadkaani wax yeelada kasoo gaarey qaraxaani ka dhacey kaamamka xanaano 2 iyo kormari ayaa dhawacyadooda iyo kuwa ku dhinteen la kala geeyey labada isbitaal ee kala ah
isbitaal weynaha Magaalada Baydhabo iyo isbitaalka bayhaaw.
isbitaal weynaha gobolka baay ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lageeyey 23 qof oo hal qof meed kayahay halka isbitaalka bayhaawna lageeyey 9 qof oo iyagada dhaawacyo ah.


Sida ay warbaahinta BAIDOA24 uxaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka isbitaal weynaha ee Magaalada Baydhabo in shan kamid ah dhawacyadii isbitaalka lasoo gaarsiyey 5 kamid ah guryahooda loo qaadey kuwa kalena caawa ay bukaan jiif ku ahaan donaan isbitaalka si xaaladooda loola socdo.


Dad goobjoogyaal ah oo aan lahadalney ayaa inoo xaqiijiyeen in dadka qaar wax yeelo ay kasoo gaartey rasaas ay fureen ciidamo halkaasi ay ku sugnayeen.


Dhibaatadaan maanta ay ka dhacdey Magaalada Baydhabo ayaan weli jirin xid kahadasho oo katirsan maamulka degmada baydhabo iyo laamaha amniga, waxaana xusid mudan in sanadkii hore ee ciidul carfa in qarax midkaan lamid ah oo dad badan ay wax ku gareen uu ka dhacey kaamam ku yaaleen duleedka magaalada baydhabo oo lagu magacaabo dugaan dug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here