Hay,adda IOM Oo Agab Caafimaad looga hortagaayo Cudurka Covid19 ku wareejisay KG.

0
214

Hay,adda IOM ayaa waxa ay agab caafimaad oo loogu hortagaayo Cudurka Safmarka ah ee Covid 19 ay ku wareejisay Wasaarada Caafimaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana qalabkaan uu ka koobnaa Soddan iyo Sagaal kartoon oo isugu jiray Daawo, Ganfuur Xirka (Face Massk) Galoofis iyo weliba dharka ay xiraneyaan dhaqaatiirta caafimaadka.

qalabkan ayaa loogu tala galay in la geeyo Xaduudaha, Ceelboorada Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Waxaana wareejinta alaabtaasi kadib goobta ka hadlay Madaxa Caafimaadka Hay,adda IOM u qaabilsan Deegaanada Koonfur Galbeed Cabdiraxmaan Maxmuud asagoona faah faahiyey agabkan ay soo gaarsiiyeen wasaarada.

“Anaga ka IOM ahaan waxaan maanta wasaarada caafimaadka KG kuwareejiney agab aan ugu talo galney in ay wasaaradu ay ugu qeyb qaadato ololaha ka hortaga cudurkan saf marka ah ee COVID19” ayuu yiri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here