Ciidamada Dowladda oo joojiyey isku socodka Beledweyne iyo Ceel-jaale

0
179

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay joojiyeen isku socodka dadka ee Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan iyo deeganka loo barakacay ee ceeljaale Duleedka Magaaladaasi

Sababaha ugu weyn ee wadadaasi loo xiray ayaa waxaa ay ka dambeysay,kadib markii maritaanka wadadaasi noqotay mid halis ah ,isla markaana ay Biyaha qaadeen dhowr qof,kuwaas oo ay Ciidamada soo badbaadiyeen.

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay qaarkood sheegeen in wadadaasi ay xirnaan doonto ilaa laga keeno qorsho lagu badbaadinayo dadka Shacabka ay oo ay biyaha qaadayaan xilli ay ku wajahan yihiin deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka Magaalada Beledweyne.

Boqolala qoys oo ka barakacay fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka geystay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku sugan deegaanka Ceel-Jaale,waxaana jira kuwo kale oo haatan qorsheynaya inay aadaan,balse Ciidamada ay joojiyeen isku socodka dadka ee Magaalada Beledweyne iyo deegaanka Ceel-Jaale ee Gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay horay ciidamada Ammaanka ugu amreen inay tagaan deegaanka Ceel-Jaale,isla markaana ay sugaan Amniga dadka fatahaada ka barakacay ee ku sugan deegaankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here