Guddiga wacyigelijta iyo xakameynta Cudurka Coronavirus u qaabilsan Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen natiijada baaritaano lagu sameeyey dad lagu arkay astaamaha Cudurka,kuwaas oo qaarkood laga helay.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaan lagu sameeyey 22 Ruux 8 kamid ah laga helay Cudurka,kuwaas oo kala ah 5 Rag ah iyo Saddex Dumar ah in kastoo aysan shaacin deegaannada ay Puntland kaga sugan yihiin.
Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada ilaa iyo hadda Cudurka Coronavirus laga helay ee deegaannada Puntland ay gaarayaan ilaa 38 Ruux hal qofna uu u geeriyooday.
