Dowladda Somalia oo Wafdi Injineero ah u dirtey Beledweyne

0
219

Xilli weli Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ay ka taagan tahay cabsi la xiriirta fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle ayaa waxaa Maanta Beledweyne gaaray Wafdi Injineero ah oo ay u dirtay Dowladda Soomaaliya

Wafdiga oo sigaar ah looga diray Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay kormeer iyo qiimeyn ay ku sameeyeen goobaha uu marwaliba uu fatahaada ka sameeyo Wabiga Shabeelle.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo kormeerka ku wehlinayay wafdiga ayaa Injineerada mid mid u tusay halka uu inta badan wabiga fatahaada ka sameeyo.

Dadka Magaalada Beledweyne ayaa waxaa soo wajahay walwal ay ka qabaan in markale ay barakacaan kadib markii uu fatahaad sameeyo Wabiga Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here