Duqeymo Dhinaca Cirka ah Oo Ay Fuliyeen Diyaaradaha Mareykanka Ee Somalia Oo Dad Rayid Ah Ku Dhinteen.

0
126


Ciidamada Maraykanka ayaa qirtay in dad rayid ah ay waxyeello ka soo gaartay duqeymo dhinaca cirka oo ay bishii April ka fuliyeen Soomaaliya.

Warbixin uu taliska Maraykanka ee Afrika (Africom) Isniintii uu soo saaray wuxuu ku sheegay duqeyntaasi iney ku dhinteen 2 qof oo rayid. ah 3 kalana ay ku dhaawacmeen.

Warbixintu waxay intaasi ku dartay isla weerarkaasi in lagu dilay 2 ka tirsan ururka Al-shabaab.

Hay’adda Amnetsy International waxay dhankeeda ka sheegtay duqeynta uu Maraykanka ka fuliyey Soomaaliya in lagu dilay 1 qof oo beeraley ah iyo 1 qof ka mid ahaa shaqaalaha shirkad isgaarsiin oo Soomaaliya ka howlgasha.

“Nasiib darro laba qof oo rayad ah ayaa lagu dilay seddex kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeymo 23-ka Bisha Fabraayo ka dhacay gudaha Soomaaliya”, ayuu yiri taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika Gen Stephen Townsend.

“Saaxibbada Soomaaliya waxaan u haynaa ixtiraam aad u sarreeya, aadna waan oga xunnahay dhacdadaasi” ayuu yiri taliyaha oo hadalkiisa sii wata.

Warbixintuna waxay ku doodeysaa dadkaasi rayidka iney u dhinteen kaddib markii ay qarxeen miinooyin ay Ururka Al-Shabaab keydiyeen.

Warbixinta waxaa sida oo kale lagu xusay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom), iney 91 duqeymo oo dhinaca cirka ay ka fuliyeen Soomaaliya iyo Liibiya bilaha Fabruary iyo March ee 2020.

Generaal Townsend wuxuu billaabay inuu soo saaro warbixin ku saabsan waxyeellada dadka rayadka ah ka soo gaarto duqeymaha ay fuliyaan seddexdi biloodba mar, si la mid ah warbixinta taliska dhexe ee Mareykanka ee Bariga dhexe uu soo saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here