Taliska Booliska Dowladda Oo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Taliye Saldhig

0
139

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa uu xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Cabdi Xasan Xijaar ayaa waxaa lagu shaaciyay in xilka laga qaaday Taliyihii Saldhiga Booliska Boondheere Najiib Carab, kadib markii Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu xalay fal dil ah u geystay laba Ruux oo shacab ah.

Sidoo kale Taliska Ciidanka Booliska ma shaacin in Taliye Cusub loo magacaabay Saldhiga Booliska Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska ee ka howlgala Boondheere ayaa waxaa uu laba ruux oo shacab ah dil ugu geystay Isgoyska Jubba, waxaana dilkaas ka dhashay  Banaanbaxyo watay rabshado, waxaana dadka dhigayay Banaanbaxa ay gubayeen taayaro waaweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here