Dhageyso: Masuulin Katirsan Dowlada Goboleedka Kg Oo Kahadleen Xaaladaha Xili Robeedkaani Ay Ku Nool Yihiin Barkacyaasha Degmada Baydhabo.

0
113

Madaxa Arrimaha Xalka waara iyo Hormarinta Magaalooyinka Wasaarada Qorsheynta ee koonfur galbeed  Abdullahi Ali Watiin, Gudoomiye kuxigeenka Maamulka Degmada Baydhabo Yuusuf Barre, Gudoomiyaha Hay’ada  Brakacyaasha iyo Qaxootiga Abdikadir Ali Watiin iyo Agaasimaha Gargaarka iyo Maareenta Masiibooyinka koonfur galbeed Diini Cabdinuur Maxamed  ayaa kormeel ku sameeyay Barakacyaasha ku nool Degmada Baydhabo.

Gudoomiyaha Hay’ada  Brakacyaasha iyo Qaxootiga Abdikadir Ali Watiin iyo Agaasimaha Gargaarka iyo Maareenta Masiibooyinka koonfur galbeed Diini Cabdinuur Maxamed ayaa waxey warbixin guud ah ka bixiyeen xaaladaha ay ku nool yihiin barkayaasha Degmada Baydhabo iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin xiligaan madaama roobabka ay hada bilow ay yihiin.

Abdullahi Ali Watiin  Madaxa Arrimaha Xalka waara iyo Hormarinta Magaalooyinka Wasaarada Qorsheynta ee koonfur galbeed  ayaa sheegey in ay jiraan qorshiyo wasaarada qorsheynta ay ugu degsan tahay sidii wax loogu qaban lahaa dadka barkacyaasha ah ee ku nool kaamamka Degmada Baydhabo.

Dhanka kale Abdullahi Ali Watiin  ayaa sheegey in ay jiraan sida lasadaaliyey in ay soo socdaan roobab xoog leh si ay dadkaasi barkac kale aysan u sameynin dowlad goboleedka koonfur galbeed hay`adaha gar gaarka iyo ganacsatada Degmada Baydhabo loogu baahan yahay in ay ka qeyb qataan bad baadinta shacabkaasi.

BY: Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here