RW Kheyre oo wada-hadallo taleefonka ah la yeeshay Sergey Lavrov

0
113

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xalay wada-hadallo dhinaca qadka taleefonka ah waxaa uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibada Russia Sergey Lavrov.

RW Kheyre ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ka codsadey in gacan laga siiyo ladagaalanka Cudurka Corona Viruska oo gaaray 237 qof sida uu bogiisa Twwiter-ka ku daabacay RW Kheyre.

Waxaan wada-hadal muhiim ah la yeeshay Wasiirka Arimaha Dibadda Ruushka H.E Sergey Lavrov. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga wada hadlay waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ku aadan dadaallada lagu xakameynayo Covid19 oo masiibada ayuu yiri”Kheyre.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa balan qaaday inuu soo dirayo qalab iyo dhaqaatir maalmaha soo socdo si ay Soomaaliya uga caawiya dagaalka lagula jiro Coronavirus iyo sidii looga hortegi lahaa faafi taankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here