Dagaal Xoogan Oo Ka Socda Deegaan Ka Tirsan Gobolka Sanaag.

0
90

Dagaalkaas oo ah mid xoogan ayaa waaberigii hore ee saakay waxaa uu ka qarxay deegaan lagu magacaabo Waqdariye oo ka tirsan Gobolka Sanaag, waxaana oo u dhexeeyaa laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegayaa inuu salka ku haayo dul-daaqsimeed ku yaalla deegaanka Waqdariye iyo tuulooyin kale, waxaana Maleeshiyaadka ay dagaalka isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dagaalka oo weli socda, sidoo kalena la maqlayo jugta rasaas xoogan oo ay isdhaafsnayaan labada dhinac.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qab la qabadsiiyay  qeybo kamid ah deegaanka Waqdariye ee Gobolka Sanaag, waxaana la sheegayaa in maalaha la gubay uu kamid ahaa Masaajid ku yaalla halkaas.

Dagaalka ka socda deeghaanka Waqdariye ee u dhexeeya Maleeshiyo beeleedka ayaa waxaa uu yahay mid dhowr jeer soo noq-noqday, wuxuuna salka ku haaya dul-daaqsimeed iyo dilal hore oo la xiriira aanooyin qabiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here