Ciidamo Badan Oo Loo Diray Magaalada Gaalkacyo Iyo Ujeedkooda

0
126

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug gaaran Ciidamo farabadan oo ka tirsan Daraawiishta iyo kuwa Booliska Maamulka Puntland.

Ujeedka Ciidamada ee Gaalkacyo ayaa waxaa uu yahay sidii ay halkaas uga bilbaabi lahaayeen howlgalo qorsheysan oo lagu doonayo inay uga hortegaan falal amni darro oo maalmihii lasoo dhaafayay ka dhacayay halkaas.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu amar ku bixiyay in Ciidamo farabadan la geelo Gaalkacyo, si ay u sugaan amniga Magaalada oo u muuqada mid faraha kasii baxaya.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu todobaadyada soo socda uu safar ku tegi doono Waqooyiga Gaalkacyo, isagoona halkaas kula kulmi doona Mas’uuliyiin kala duwan iyo qeybaha Bulshada.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku sugan Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, isagoo halkaas kulamo kala duwan kula qaatay Saraakiisha amniga, Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada ku dhaqan Gaalkacyo.

Si kastaba Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan oo loo geysto Askar iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, waxaana falalkaas inta badan sheegta Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here