Booliska oo Gacanta ku dhigey Maandooriye & dad ka Ganacsanayey

0
160

Ciidamada Booliska Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay kusoo qabteen maandooriyaha Khamriga iyo Xashiishka iyo dad la sheegay inay ka Ganacsanayeen.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayey taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Cadaado Laba Xidigle Cali Maxamed Xasan ( Cali Dheere ),waxaana uu sheegay inay Gudaha degmada kasoo qabteen Xashiis iyo Khamri farabadan iyo dad isticmaalayay kana Ganacsanayey.

Sidoo kale taliyaha waxaa uu sheegay in Maanta ay khamrigaas goob fagaaro ah ku burburin doonaan sidoo kalena ay gubi doonaan Xashiiska ayna Maxkamad geyn doonaan dadkii lagu soo qabtey,iyaga oo ka ganacsanayey.

Si kastaba Maalmihii dambe ayaa Ciidamada Booliska Magaalada Cadaado waxaa ay baadi goob ku hayeen dad ka Ganacsanayey waxyaabaha maanka dooriya,kadib cabasho ay u gudbiyeen qaar kamid ah Shacabka ku nool Magaaladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here