howlgalo Ka Bilowdey Magaalada Garoowe Ee Xaruunta Maamulka Puntland.

0
198

Ciidamada Ammaanka Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa ay Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ka bilaabeen howlgallo,kadib markii xalay halkaasi uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintey Guddoomiyihii Gobolka nugaal,waxaana Ciidamada oo wata Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu arkayaa,iyaga oo howlgallo ka fulinaya Xaafadaha qaar ee Magaalada Garoowe.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay galayaan guryaha qaar,hayeeshee halka ugu badan ee howlgalka uu ka socdo ay tahay agagaarka xaafadaha ku dhow dhow halkii uu qaraxa ka dhacay,hayeeshee aysan jirin dad ay weli ku qabteen.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse iyo wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxaa ay siwadajir ah u sheegeen inay hayaan xogo ku saabsan qeyb kamid ah qofkii is qarxiyey.

Xaalada Magaalada Garoowe ayaa saaka ka duwan maalmihii la soo dhaafay,waxaana Magaalada lagad areemayaa howlgallada Ciidamada iyo nadiifinta goobtii uu qaraxa ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here