Somalia Oo Dhex Dhexaad Kanoqotey Muranka Webiga Nil Ee U Dhaxeeya Masar Iyo Itoobiya.

0
138

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay muran u dhexeeya dowladaha Masar iyo Itoobiya, kaasi oo ku aadan Arrimaha Webiga Nile.

Wasiir Axmed Ciise Cawad oo la hadlay mid kamid ah warbaahinta deegaanada Puntland ayaa waxaa uu u sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhex-dhexaad ka tahay muranka la xiriira Arrimaha Webiga ee Masar iyo Itoobiya.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Soomaaliya ay go’aan ku gaartay in dhex-dhxeaad ka noqoto labada dowladood, isla markaana aysan u yeeri karin labada dhinac.

“Masar iyo Itoobiya dhexdhexaad ayaan ka nahay arrimaha webiga Niilka, dhexdhexaadninadaas ayey ku jirtaa danteena mustaqbalka cidna nooma yeeri karto mana yeelano in naloo yeero go’aankeenna, kuwo hore oo isku dayey yey u suuroobi wayday” ayuu yiri Wasiir Axmed Ciise Cawad.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka ayuu waxaa uu beeniyay wararka sheegaya in dhawaan qaraarkii dowladda Masar hor geeyay Jaamacadda Carabta ay dhex-dhexaad ka noqotay Dowladda Soomaaliya.

Si kastaba Masar iyo Itoobiya ayaa haatan waxaa ka dhexeeya muran ku aaddan Wabiga Nile oo ay Itoobiya dooneyso biyo xireenka ay sameysatay inay albaabada u furto, waxaana arrintaas diidan Masar, iyadoona Murankaas uu saameyn ku yeeshay dalalka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here