Dhageyso: Sida laga soo xiganaayo radio kulmiye ee magaalada muqdisho beesha hawiye oo loo balan qaaday madaxweyne kuxigeenka kg iyo xubno kale.

0
86

Marka laga soo tago  dhaarinta xildhibaanada labaad ee baarlamaanka koonfur galbeed waxaa hesshiis laga gaaray tabasho ay qabeen qaar kamid ah beelaha dega degaanada koonfur galbeed ee ku aadanaa qaabka loo soo dhisay xildhibaanada labaad  ee baarlamaanka koonfur galbeed.

Sidoo kale wefdi ay iskugu jiraan  xildhibaano iyo wasiiro kasoo jeeda meesha hawiye ayaa lagu qanciyay in lasiin doono madaxweyne kuxigeenka Koonfur galbeed, waxaana sidoo kale loo balan qaadey in lasiin doono xubno wasiiro ah iyo in madax loogu dhigi doono degmooyin ka mid ah koonfur galbeed.

Wefdigaan soo gaaray magaalada baydhabo ayaa kulamo saacado badan qaataya waxay laqateen madaxweynaha koonfur galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) waxayna ka wada hadleen qaabka ugu macquulsan oo ay ugu heli karaan in lasiyo xubnaha ay doonayaan. Magaalada baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka koonfur galbeed ayaa waxaa maalmihii dambe ka socoday kulamo xal looga raadinaayo tabashooyin ay qabeen qaar kamid ah beelaha dega maamulka koonfur galbeed, waxaana tabashooyinkaasi ay ahayeen qaabka loo soo xulay Xildhibaanada labaad ee baarlamaanka koonfur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here