Duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee dalka Oo La Fasaxay.

0
100

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Goordhow soo saartay Go’aan Cusub oo ku aadan duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray, kadib markii dowladda dhawaan joojiyay duulimaadyadii Caalamiga ah ee dalka imaan jiray iyo kuwii bixi jiray.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Duulista iyo hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Saolaax Oomar ayaa waxaa lagu sheegay in muddo laba maalin ah si KMG ah loo fasaxay duulimaayadii Caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray.

Sababta dowladda loo fasxayo duulimaayada ayaa waxaa ay ku sheegtay inay tahay sababo la xiriira in Muwaadiniin Soomaaliyeed ay haatan ku xayiran yihiin Garoomo Caalami ah, taasina ay keentay la fasaxado Diuyaaradaha keenaya Muwaadiniinta.

Sidoo kale qoraalka uu soo saaray Wasiir Oomaar ayaa waxaa lagu sheegay in loo hogaansamo amaradda Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda ee la xiriira Muwaadiniinta soo mareysa wadamada uu ka jiro Cudurka Coronavirus.

 Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Duulista iyo Hawada dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here