Dhageyso: Dadka kaxeeya gadiidka ee magaalada baydhabo oo amar lagu soo rugay.

0
99

Taliyaha ciidanka ilaalada wadooyinka magaalada baydhabo Mayow Mukhtaar Mada gaduud iyo taliyaha saldhiga degmada baydhabo Mukhtaar Ibraahim Axmed oo si wada jir ah shir jaraa`id ay ku qabteen magaalada baydhabo ayaa waxay ay kaga hadleen gadiidka sida sharci darada ah ugu dhax shaqeyaan magaalada baydhabo.

Ugu horeenkii shirkaani ayaa waxaa ka hadlay Mayow Mukhtaar oo ah Taliyaha ciidanka ilaalada wadooyinka magaalada baydhabo waxaa uu sheegay in mar badan ay kahadleed amarona ay kazoo sareen in wadooyinka magaalada baydhabo si xowli ah loogu wadi Karin gadiidka kala duwan ha u badnadaan mootooyinka bajaajka kuwaasi oo taliyaha ku sheegay in marar badan ay gacanta ay ku dhigeen bajaajooyin ay wadaan dhalinyaro aan qaangaarin kuwaasi oo Qatar ku ah naftooda iyo nafta shacabka kale.

Taliyaha ciidanka ilaalada wadooyinka magaalada baydhabo ayaa waxaa uu mar kale ku celiyay qofkii lagu arko asigoo si xowli ah gaari ugu dhax wado wadooyinka baydhabo in talaawo sharci ah laga qaadi doono iyo dhalinyarada aan qaangaarin ee wada mootooyinka bajaajka ah.

Taliyaha saldhiga degmada baydhabo Mukhtaar Ibraahim Axmed ayaa dhinaca kale waxaa uu baaq udiray milkiiliyaasha gadiidka safara iyo kuwa magaalada ka shaqeyaan si amniga loo xaqiijiyo in gadiidkooda ay lahadaan taargo madaama magaalada baydhabo ay soo galayaan gadiid kale oo kamid ah kuwa Jubaland iyo Pundland kuwaasi oo si taransis ah ay kusoo maraan magaalada baydhabo.

BY: Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here