DHAGEYSO: ISBITAALKA XAYAAT OO BAARITAANO IYO DAAWEYN U SAMEEYAY 120 QOYS OO BAYDHABO BARKAC KU AH

0
148

Ololaha ayaa ah mid loogu samaynayao baaritaan iyo daweeyn 120 Qooys oo ku nool kaamka barakacayaasha Dugsiiloow oo ku yaala dhanka Koonfureed ee magaalada Baydhabo, waxaana ololahan mutudhawacnimada ah fuliyeey Isbitaalka Xayaat ee Magaalada Baydhabo.

Shaqaalaha isbitaalka Xayaat oo uu horkacayo agaasimaha Isbitaalka ayaa Kaamka dugsiiloow dhexdiisa waxaa ay ku qaabileen bukaano badan oo isugu jiro caruuro, waayeelo iyo haween uur leh iyagoona halkaa ugu samaeeyey baaritaano caafimaad kadibna ugu qeeybiyey daawooyin.

Maxamed Nuur Maxamed waa horjoogaha Kaamka Dugsiiloow waxaa uu ka mahad celinayaa daryeelka caafimaad ee lacag la’aanta ah ee Isbitaalka Xayaat ka fuliyey Kaamka uu gudoomiyaha ka yahay oo caruurta iyo dadka waa weyn  ku nool kaamkiisa heleen baaritaano iyo dawo lacag la’aan ah.

Kuwani waa hooyooyinka iyo caruurtooda ka faa’ideeysteen Ololaha daryeelka Caafimaad lacag la’aanta ah ugu geeyey Kaamamka ay ka degganyihiin Baydhabo Isbitaalka Xayaat oo ka aragti dhiibanya Ololahan Caafimaad ee uu ugu deeqay Isbitaalka Xayaat isla markaana u mahad celinaya Dhaqaatiirta Maamulka iyo hoowl wadeenada Isbitaalka Xayaat

Dr. Cabdirashiid Cabduqaadir Bujeeti, waa agaasimaha Isbitaalka Xayaat Baydhabo, waxaa uu ka hadlayaa sida ay ugu dhalatay fikraddan ay ugu sameeyeen Barakacayaasha baaritaanka iyo daweeynta caafimaad oo ah fikrad wax ku ool ah isla markaan ku dayasho mudan.

Waa olole dhaxal gal ah oo haddana waxtar muuqda leh ololahan caafimaad ee isbitaalka Xayaat Baydhabo ka fuliyeey Kaamka Dugsiiloow iyadoona ololaha ay ka faa’idaysteen hooyin iyo caruuro aan haysanin daryeel caafimaad cid ugu maqanna jirin kuna dhiiraday isbitaalka xayaat iyadoo aysan jirin cid kale oo isbitaalka ka taageertay kaliya isbitaalka uu ugu deeqay kana damqaday danyarta wax ay isku daweeyaan haysanin oo u baahan daryeelka caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here