Turkish Airlines oo hakisay duullimaadyadii Muqdisho ay ku imaan jirtay.

0
186

Shirkadda Turkish Airlines ayaa ku dhawaaqday in si ku meel gaar ah ay u joojisay duullimaadyadeeda Magaalada Muqdisho sabab la xiriirta kiiska Coronavirus ee laga helay Soomaaliya.

Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in duullimaadka maanta ka baxaya Muqdisho uu noqonayo kii ugu dambeeyay muddo dhan 15-cishe ah.

“Turkish Airlines waxa ay hakineysaa duullimaadyadii Muqdisho shan iyo tobanka cisho ee ina soo aadan, diyaaradda waxa ay maanta oo talaado ah kuna beegan 17-ka Maarso qaadeysaa rakaab u socda Magaalada Istanbul” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Safaaradda.

Joojinta duulimaadyada Turkish Airlines ee Muqdisho ayaa waxa uu daba socda amar shalay ay soo saartay wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada oo ahaa in muddo 15 cisho ah la hakiyay duulimyada kabaxa iyo kuwa yimaada muqdisho amarkaas oo dhaqan galaya 18 Maarso.

Inta badan wadamada caalamka ayaa horay u joojiyay duulimaadyada kabaxa iyo kuwa yimaada kaddib markii caabuqa Korona uu aad ugu sii baahay caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here