Faah Faahin:-Nin Hubeysan Oo Darawal Mooto Bajaaj Ku Dilay Muqdisho

0
107

Faah faahin ayaa laga helayaa in ku hubeysnaa Bastoolad oo saakay gudaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa, iyagoona Darawalka uu goobta ku dhintay.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in Ninka hubeysan uu saarnaa Gaari nooca raaxada ah, hayeeshee xili uu marayay Seybiyano uu muran  soo kala dhexmaray  isaga iyo Marxuumka, isagoona ugu dambeyntii toogtay.

Intaas kadib Ninkii dilka geystay ayaa isaga tegay goobta, waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo soo qaaday Meydka Marxuumka, iyadoona loo qaaday sida la sheegay Xarunta CID-da.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer dilal loogu geystay Darawalo ku shaqeysan jiray Mooto Bajaaj oo si aad ah looga isticmaalo gudaha Muqdisho, waxaana inta badan dilalkaas geystay Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here