Sacuudiga oo hakiyay duullimaadyada taga Yurub iyo dalalka Geeska Afrika

0
127

Xukuumadda Sacuudiga ayaa shaacisay in go’aan ay muwaadiinteeda iyo dadka kale ee dalkeeda ku sugan intaba ay uga hor istaageyso in ay u safraan dalalka uu ka dillaacay feyraska Korona.

Wakaaladda wararka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in xukuumaddu ay gabi ahaanba joojisay duullimaadyadii tagi jiray dalalka Midowga Yurub iyo Swizerland, Hindiya, Bakistaan, Srilanka, Filibiin, Soomaaliya, Suudaan, Itoobiya, Eretrea, Koofurta Suudaan, Kenya iyo Jabuuti.

Sidoo kale xukuumadda ayaa go’aamisay in aysan dalkeeda soo geli karin dad ka soo safraya dalalka kor ku xusan.

Sucuudiga waxa kale oo uu ku dhawaaqay in uu xiray dhaqdhaqaaqii dhanka xuduudaha ee dalka Urdun walow uu oggolaaday dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo gargaarka bani aadannimo.

Muwaadiniinta iyo dadka haysta degenaasha Sucuudiga ee ku sugan dalalkaas ayaa loo oggolaaday in muddo 72 saacadood gudohood ah ay ku soo gali karaan Sucuudiga wixiise intaa ka dambeeyo uu go’aanku dhaqan gelayo.

Tallaabooyinkan ayay wasaaradda arrimaha guduhu sheegtay in ay yihiin kuwo ay dooneyso in ay uga gaashaamaato halista feyraska Karona ee dunida ku sii fidaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here