Xiisad Colaadeed Oo Ka Taagan Degmada Walaweyn.

0
138

Wararka aan ka heleyno Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaas ay ka taagan tahay xiiisad u dhexeeysa laba maleeshiyo beeleed oo hubeysa.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in xiisada ka taagan Wanla-weyn ay timid, kadib markii gelinkii dambe ee shalay duleedka degmadaas lagu rasaaseeyay gaari dad shacab ah ay la socdeen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Maanta gebi ahaan uu xiran yahay Suuqa weyn ee degmada Wanla-weyn, isla markaana halkaas laga dareemayo xiisada u dhexeeysa Maleeshiyaadka hubeysan oo deegaanka ah.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in maalmo kahor gudaha Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu gubay gaadiid cagaf-cagaf ah oo la tilmaamay inay lahaayeen dad beeraley ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here